DF SOMALIA oo jawaab ka bixisay hadalkii Museveni uu ugu gafay Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay hadalkii madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni uu shalay ugu gafay dadka iyo dowladda Soomaaliya.

Museveni ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Caalamka ee aan lahayn dowlad shaqeysa.

Waxa uu yiri “Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn dowlad, tusaale Soomaaliya, iyo kuwa kale oo aysan diblomaasiyadda ii oggoleyn in aan sheego”

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyay BBC ayaa ka jawaabay hadalkaas, isaga oo sheegay in Yoweri Museveni uu iska hadlay, uuna ogyahay in Soomaaliya ka jirtay dowlad la aqoonsan yahay.

“Wuu iska hadlay, kaliya waxaa dhici karaa waa qof iska hadlay, waa la ogyahay Soomaaliya waxay leedahay dowlad jirta oo xooggan”ayuu yiri Wasiir Cawad.

Axmed Ciise Cawad ayaa dhinaca kale sheegay in ka dowladda Soomaaliya ay jawaab hoose gaarsiin doonaan dowladda Uganda, taasi oo ay sharaxaad uga raadineyso waxa ku qasbay Museveni hadalkaas.

Mr Museveni ayaa dhowr jeer ku xadgudbay Soomaaliya isaga oo tusaalooyin badan oo xun xun fagaaroyaal badan uga sifeeyay Soomaaliya, waxaana dad badan ay arkeen tani inay tahay arrin ay tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu diido.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com