Sawirro: Ethiopia oo qunsul cusub usoo magacowday Puntland lana kulmay Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta madaxtooyada Puntland ku qaabiley Qunsulka Cusub ee Itoobiya u fadhiya Puntland, Gen. Mabratu Waldo Aragay.

Deni ayaa kulanka uu la qaatay qunsulka cusub ee Dowladda Itoobiya u soo magacawday Dowladda Puntland Gen. Mabratu Waldo Aragay waxaa qayb ka ahaa saraakiil ka tirsan xafiiska qunsuliyada Itoobiya ee Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Qunsulka cusub ee Itoobiya u fadhiya Puntland ayaa ka mahad naqay sida maamuuska iyo meeqaamka sare leh ee Madxweynaha Puntland ugu qaabiley xafiiskiisa, waxaana uu qunsulku sheegay in uu dar-dargalinaayo wada shaqaynta Puntland iyo Eithopia,

Qunsulka cusub ee Itoobiya u fadhiya Puntland Gen. Mabratu Waldo Aragay ayaa badalay qunsulkii hore Itoobiya u fadhiyey Dowladda Puntland Mudane Asmalaash oo mudo 13 sano hayey xafiiska.

Deni ayaa qunsulka cusub uga mahadnaqay booqashada uu ugu yimid, sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Itoobiya iyo Puntland ay yihiin deris, ayna wadaagaan soohdimo muhiima, isla mar’ahaantaana waxa uu  Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inay ka go’antahay dar-dargelinta wadashaqaynta ka dhaxaysa Itoobiya iyo Puntland,

Madaxweyne Deni ayaa ka guddoomey Qusulka hadiyad ka kooban hiddiyo dhaqanka Soomaalida.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????