Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada maamulka Goboleedka Galmudug ayaa shahaadada musharaxnimada guddoon siiyey Xildhibaan Mahad Salaad oo shantii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa xubnihii sida weyn u mucaaradsanaa xukunka madaxweyne Farmaajo.
Xildhibaan Mahad Salaad oo u sharaxan kursiga HOP#147, oo uu ku fadhiyey sanadihii lasoo dhaafay, ayaa waxaa la tartameysa Shamsa Cabdullaahi Maxamed, oo sida muuqata ah malxiis aan rajo laga qabin inay guuleysato.
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa la hubaa inuu kusoo bixi doono doorashada kursigan, kadib markii laga xiray dhammaan xubnihii doonayey inay loolanka adag geliyaan.
Arrintaan ayaa ka dhigan in guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga ee maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali, oo ka mid ah ragga sida weyn u taageersan Farmaajo, uu si rasmi ah u waayey kursiga HOP#147 oo loo diiday xataa inuu u tartamo, ayada oo laga celiyey garoonka Aadan Cadde.
Cali Yare ayaa sanadihii lasoo dhaafay waqti iyo kharash badan geliyey sidii uu u heli lahaa kursigaan, Qoor Qoor ayaana ugu dambeyntii go’aan ku gaaray inuu kursigaan kusoo baxo Mahad Salaad.
Cali Yare oo dhawaan loo diiday inuu u safro Guriceel ayaa madaxweynaha Galmudug ku eedeeyey inuu isaga ka dambeeyey arrintaan.
Cali Yare oo la kulmay madaxweyne Farmaajo si uu kursigaan u helo ayaa loo soo deeriyey, wuxuuna Farmaajo kursiga Cali Yare dhaafsaday Kuraas kale oo ka taalay Galmudug oo uu u fudeeyey madaxweyne Qoor Qoor.