Wararkii ugu dambeeyey qorshaha lagu soo celinayo askartii loo qaaday Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixino cusub oo la helayo ayaa sheegaya inuu meel fiican maraya dadaalka ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto in dalka dib loogu soo celiyo ciidamadii tababarka loo qaaday salka Eritrea, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida uu qorshaha yahay, Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa inay ciidamadaan dalka dib ugu soo celiso 2-3-da asbuuci ee soo socda haddii aysan waxba iska beddalin qorshaha iyo dadaalka hadda socda, sida aan ogaanay.

Qorshihii ugu horreeyey ee ciidamadan ayaa ahaa in dalka dib loogu soo celiyo Bishii September ee sanadkii hore, balse waxay dib ugu dhacday arrimo la xiriira dhanka Diblomaasiyadda.

Dhowr jeer oo la doonayey in ciidamadaan dib loogu soo celiyo Soomaaliya ayaa fashilmay, mana la hayo illaa hadda sababta ay ciidamadaas ay u joogaan dalka Eritrea, maadaama ay mar hore dhameysteen tababarkii loogu talagalay.

Tirada ciidamada Soomaalida ah ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa lagu sheegay illaa 5,167, inkasta oo ay jiraan warar kale oo sheegaya in tirada ay intaas ka badan tahay, oo ay ku dhowdahay 10,000.

Ciidamadan ayaa dalka Eritrea la geeyey intii u dhaxeysay August 2019 iyo June 2020, waxaana in ciidamadaan tababarka loo qaaday ku heshiiyey madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyaha Eritrea Isaias Afwerki.

Warar ay heshay warbaahinta qaar ayaa sheegaya in ciidamo Soomaali ah ay ka qeyb galeen dagaalka Tigray lagu qaaday inkastoo ay Dowladda Soomaaliya arrintaas si weyn u beenisay.

Qaramada Midoobay, NGO-yada madaxa banaan ee Tigray iyo hogaamiyayaasha Tigray ma aysan keenin caddeyn sugan oo muujineysa in ciidamo Soomaali ay ka qeybgaleen dagaalka ka dhacday Gobolka Tigray.