Mahad Salaad oo shaaciyey arrin uga baxday hadallada Rooble iyo Mahdi Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo aad u dhaliila siyaasadda Nabad iyo Nolol ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dulucda hadallo ka soo yeeray ra’iisul wasaare Rooble iyo ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed ay tilmaamayaan in doorashada soo socota ay noqa doonto mid la boobo.

“Rooble maalin dhawayd wuxuu warbaahinta u sheegay “Murashixiinta waxaan leeyahay ha welwelinina aniga  ayaa meesha idiin jooga cid idin dhacaysa ma jirto”. Mahdi Guuleedna caruurtii dugsida hoose iyo dhaxe wuxuu maanta u sheegay “In ay qabanayaan doorasho wareega koowaad Farmaajo ku soo baxayo sida doorashadii Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle” ayuu yiri Mahad Salaad.

Waxa uu sheegay in hadalka ra’iisul wasaare Rooble uu u muuqday in doorashada soo socota lagu shuban doono, halka Mahdi Guuleedna uu cadeystay, sida uu Mahad hadalkiisa u dhigay.

“Hadalka Rooble waxaa ka muuqda in doorashada soo socota xoog iyo boob lagu qaadan doono. Mahdi Guuleedna wuxuu sheegay in doorashada soo socota uu Farmaajo ku shuban doono. Hadaba, waa loo joogaa hadii Rooble iyo Mahdi ay Farmaajo dadka xoog ku dul saari karaan” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraalkiisa.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shalay sheegay in doorashada soo socota lagu kala bixi doono wareega koowaad, iyadoo la mid noqon doonta doorashooyinkii ka dhacay deegaanada Koonfur Galbeed Galmudug iyo HirShabelle, sila markaana Madaxweyne Farmaajo uu ku soo bixi doono.

Sioo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayaa wareysi uu dhawaan bixiyey ku sheegay inay ka go’antahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana aysan dhici dooni wax ku shubasho ah, isagoo mucaaradka ka dalbaday inay ku kalsoonaadaan.