Xog: Ujeedka dhabta ah ee laga leeyahay isbaheysiga ay sameynayaan mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in dhowaan magaalada Muqdisho ay soo gaaraan dhamaan Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo siyaasiin kale oo mucaraad ku ah dowladda Soomaaliya.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in musharaxiinta markii ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ay yeelan doonaan kulan, kaas oo dhici doono Sabtida iyo Axad soo aadan kadibna waxay ku dhawaaqi doonaan Isbaheysi ay ku mideysan yihiin Musharaxiinta xilka Madaxweynaha.

Warar heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in markale ay soo saari doonaan go’aano looga soo horjeedo guddiyada doorasahda Soomaaliya, haddii laga jawaabi waayana waxay sameen doonaan guddiyo doorasho, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo xog ogaal ah.

Siyaasiintan ku soo wajahan magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweyntooda aad looga dareemayaa Muqdisho, waxaana socda abaabulka kulamo la isugu soo baxayo oo lagu soo dhownayo.

Mucaaradka ayaa doonaya in doorashada ay dib u dhacdo, ayaga oo door bidaya door-bidaya dib u dhac intii ay gali lahaayeen doorasho ay si buuxda u maamuleyso madaxtooyada, sida ay Caasimada Online xogta ku heshay, halka madaxtooyada ay dooneyso inay dhacdo ka hor 8-da Febraayo.

Mucaaradka ayaa doonaya in doorashada ay dhowr bil dib u dhacdo, si marka waqtiga ka dhammaado Farmaajo uu ayaga ula mid noqdo, maadaama ay ka dhaceyso sharciyadda, sidaas darteedna ay la gorgortami karaan.

Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa sidoo kale taageersan qorshaha mucaaradka ayaga oo diidan ama dib u dhigaya magacaabista guddiyada doorashada heer dowlad goboleed, taasi oo xaqiijin karta inuu hirgalo qorshahan, halka saddex maamul goboleed kale ay noqdeen kuwa ay si toos ah u maamusho madaxtooyada.

Xaaladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid kasii dareysa halkii ay joogtay waxaana cabsi weyn laga qabaa in uu yimaado isku dhacyo ka dhasha sida loo maamulo doorashooyinka dalka.