MAHAD SALAAD oo taliye cusub u magacaabay Nabd-Sugidda Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa Taliyaha hey’adda ee Gobalka Banaadir u magacaabay Muxyadiin Warbac Shadoor.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dhanka ammaanka ah Shadoor ayaa ah sarkaal muddo dheer ka tirsanaa hay’adda NISA, lehna khibrad dheer oo dhinaca amniga ah.

Wuxuu mudooyinkii u danbeeyay ee si dhow uu ula shaqeynayay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo dhinaca amniga uu kala shaqeynayay doorashooyinkii lasoo dhaafay.

Muxuddiin ayaa xilka kala wareegaya Cilmi Maxamed Baruuke oo xilkaasi loo magacaabay bishii Maarso.

Mahad Salaad ayaa shalay la wareegay xilka hey’adda NISA oo Khamiistii lasoo dhaafay ay magacaabidiisa ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya.

Durba waxaa bilowday isbedel dhanka hoggaanka ah oo hey’adda ku socda, waxaana lagu wadaa in maalmaha iyo bilaha soo socda wax badan ay is ka bedelaan habdhaqankii hey’daas oo muhiim u ah dib u soo kabashada ammaanka dalka.

Qorsheyaasha socda waxaa ka mid ah in magaca laga bedalo hey’adda NISA, waxaana la qorsheynayaan in loo bixiyo FISA, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa horay Muxuddiin Warbac ugu magacaabay taliyaha NISA ee gobolka Banaadir, hase ahatee waxaa ka horyimid Farmaajo oo khilaafkii hoggaanka NISA xiligaasi ka taagnaa ayaa lagu burburiyay magacaabistaasi.