Guddiga FEIT oo ka hadlay xogta la xiriirta HOP#086 ee banaanka uga soo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii guddiga doorashada ee heer Federaal (FEIT), Muuse Geelle Yuusuf ayaa ka hadlay xog lasoo dusiyay oo ku saabsan in guddiga uu damacsanaa fasixida kursiga HOP#086.

Guddoomiyaha oo la hadlay BBC-da ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay inay doonayeen inay fasaxaan kursiga muranka uu ka taagan yahay ee HOP#086, kaasi oo doorasho ka dhacday Beledweyne ku guulaystay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasin Xaaji Daahir.

Sida ay fahamsan tahay Caasimada Online, maadaama uu fashilmay isku daygaas guddiga uu waday, guddiga ayaa hadda doonaya inay fashilkaas iska badbaadiyaan, waana midda keentay inay beeniyaan qorshihii ay maalmahaan ka shaqeynayeen.

Warka kasoo baxay guddiga doorashada ayaa kusoo aadaya xilli Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble uu fashiliyey isku day ay guddiga ku doonayeen inay ku ansixyaan kursigaas oo ay heshiis kula galeen Fahad Yaasiin.

Sida ay ogaatay Caasimada Online guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qorsheynayey inuu xalay soo saaro go’aan lagu fasaxayo kursiga #HOP086 ee Fahad Yaasiin oo horay guddigaan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo is-kaashanaya ay doorashadiisa u hakiyeen.

Waxaa jiray in heshiis qarsoodi ah uu dhex-maray xubnaha guddiga iyo ergo ka socotay Fahad Yaasiin, si kursiga loo fasaxo, taasi oo Rooble soo istaajin laheyd meel adag.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in fasaxa kursiga lagu kala qaadan rabay lacag dhan 1.5 milyan oo dollar, oo xubno ka mid ah guddiga ay heshiis ku galeen.

Si kastaba, Muuse Geelle oo ahaa guddoomiyaha guddiga lakala diray ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan tallaabada ra’iisul wasaaraha, wuxuna sheegay in ay sharci tahay in lakala diro maadaama ay howshoodii soo idlaatay.