Mahad Salaad oo ka fal-celiyey tallaabadii xubnaha AQALKA SARE ay qaadeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka falceliyay tallaabadii ay maanta xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku meel-mariyeen Hindise Sharciyeed la-dagaalanka Argagixisada.

Sharcigan ayaa waxaa kulankii maanta ee Golaha Aqalka Sare cod aqbaliyad ah ku meel-mariyay ilaa 29 Senator oo soo xaadiray kulanka.

Mahad Salaad ayaa Senatorada Aqalka Sare uga mahadceliyay meel-marinta sharcigaas oo uu sheegay muhiimad u yahay la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

“Waxa aan u mahadcelinayaa guddoonka iyo xildhibaanada Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Hindise Sharciyeed la-dagaalanka Argagixisada,” ayuu yiri Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad.

Sidoo kale wuxuu markale boggaadiyay Golaha Wasiirada iyo Golaha Shacabka oo iyagu horay usoo ansixyay Hindise Sharciyeed la-dagaalanka Argagixisada.

Waxaa sidoo kale sharcigan loo gudbin doonaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, si uu saxiixo, kadibna loogu soo saaro faafin rasmi ah.

Golaha Aqalka Sare ayaa toddobaadyadii dambe dardar-gelinayay shuruucda loo gudbiyay, isaga oo goluhu shalay ansixiyay xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dalka.

Guddigan ayaa waxaa Golaha horgeeyay wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS, waxaana laba maalin kahor meel-mariyay guddigan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xubnahan oo ka kooban shan xubnood ayaa golaha shacabka waxay u qaadeen cod, waxayna ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, iyadoo aysan jirin mudane diiday ama ka aamusay.