Al-Shabab oo iska fogeysay dhakhtarkii dilaaga ahaa ee dowladdu soo bandhigtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay nin halis ah oo ay soo bandhigtay dowladda, kaasi oo bulshada uga dhex shaqeysan jiray dhakhtarnimo been abuur ah balse geystay dilal badan.

Ninkan oo kasoo muuqday barnaamijka Gungaar ayaa waxa uu isticmaali jiray xeelado aad u sareeya, waxaana lagu magacaabaa Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr. Fanax), waa dilaa barnaamijkaan ku qirtay dhagaro badan oo dad badan uu naftooda ku dhaafiyey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa iska fogeysay ninkaan, iyada oo sheegtay in uusan ka tirsaneyn askarta muuqata iyo kuwa qarsoon ee howl-galada u fuliya kooxda, sida ay baahisay warbaahintooda.

Sarkaal sare oo ka tirsan kooxda oo la hadlay warbaahintooda ayaa been abuur ku tilmaamay xogta iyo shaqsiyada lagu bandhigay barnaamijka Gungaar, inkasta oo ninkaan dilaaga ah uu billooyin ka hor kasoo hor-muuqday maxkamadda oo xukun ku riday, xilligaasi oo aysan ka hadlin kooxda.

“Waxaan xaqiijineynaa in shakhsiga lagu magacaabay Maxamad Cabdinuur Jiiroow Hagar ee (dowladda) soo bandhigtay uusan kamid ahayn kooxda, weligiisna kamid noqonin. Ninkaan (Dr. Fanax) weligiis soo marin kamana mid noqonin ciidamada qarsoon iyo kuwa muuqda ee kooxda intaba.”

Dr. Fanax ayaa waxaa laga soo qabtay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, intii ay socotay doorashadii muranka badan dhalisay, wuxuuna barnaamijka laga sii daayay warbaahinta dowladda ku soo bandhigay dhamaan xeeladihii uu isticmaalay intii uu ka tirsanaa Al-Shabaab, sida uu sheegay.

Ninkaan ayaa ahaa dhakhtar been abuur ah oo ka howl-gali jiray isbitaallada Muqdisho, sidoo kale wuxuu ahaa sarkaal ciidanka xoogga dalka ka heysta darajooyin been abuur ah.

Hanaanka dadka loo dilo iyo meelaha ugu daran ee laga dilo qofka ayuu wareysiga laga qabtay uga sheekeeyey Dr. Fanax, isagoo tusaale u soo qaatay dadkii uu horay u dilay.

Ninkaan ayaa sheegay inuu aad u isticmaali jiray si danihiisa gaarka ah uu u gaaro, odayaasha dhaqanka ee beeshiisa, saraakiisha beeshiisa iyo mooryaanta ku heybta ah, si ay u difaacaan markii lasoo qabto.