Somaliland oo shaacisay sabab yaab leh oo uu hakad u galay dagaalka Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa war kasoo saartay xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo maalmihii lasoo dhaafay uusan ka dhicin wax dagaal ah.

Somaliland ayaa sheegtay in sababta hakisay dagaalka u dhaxeeyay ciidamadeeda iyo kuwa deegaanka ah ee SSC ay tahay “awood dari soo food-saartay kooxaha kasoo horjeeda Somaliland iyo dib usoo abaabulka dhagar kale,” sida lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland.

“Jawiga Laascaanood waxa uu ahaa mid nabadgelyo oo wax dagaal ah uusan ka dhicin marka laga reebo xabado kooban oo marmar soo ridayaan kooxaha nabad-diidka ah kuwaasi oo ciidamada Qaranka ay ka bixinayeen jawaab ku habboon,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Kooxaha nabad-diidka ah waxay toddobaadyadii u dambeeyay ku jiraan gubaabo dagaal oo xoogleh, inkasta oo tabar kasta oo isku keenaan aysan awoodi karin quwad ciidan oo ay ku caabiyi karaan ciidamada Somaliland.”

Somaliland ayaa sheegtay in ciidamada Somaliland iyo saraakiisha sare ee hoggaaminaya ay markasta xeerinayaan mira-dhalka wada-hadal lagu rabo in xal nabadeed looga gaaro xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood.

“Saraakiisha sare ee ciidamada ma haystaan amar dagaal iyo weerar dhankooda ka yimaada,” ayaa lagu yiri. – “Ciidamada Somaliland ayaa geestooda feejignaan dheeraad ah ka qaba tab iyo xeelad kasta oo maagan yihiin kooxaha nabad-diidka ah.”

Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii lasoo dhaafay daganeyd, waxaana istaagay dagaalkii ka socday magaaladaasi, inkasta oo ay weli is horfadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Waxaa socda dadaalo xal loogu raadinayo xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood, ayada oo QM ay guddi xaqiiqo raadin ah u saartay arrintaan, kuwaasi oo bilaabay qorshe u kuur-gelid ah.

Xubnaha ka socda QM oo gaaray magaalada Garoowe ayaa halkaasi kula kulmay waxgaradka SSC, ayaga oo kala hadlay dhibaatadii ka dhacday magaalada Laascaanood. Sidoo kale waxa uu guddiga QM la kulmi doona madaxweynaha Somaliland, si ay ugala hadlaan xiisadda taagan, si loo soo afjaro dagaalka, sidoo kalena loo caawiyo dadka ay dhibaatada soo gaartay.

Si kastaba, Dagaalka Laascaanood ayaa qaatay muddo bil ah, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah oo an waxba galabsan, kadib markii lagu kor dagaalamay.