Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha qaraxii Baardheere

Baardheere (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo saaka lagu weeraray guriga Martida ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Guriga Martida ee weerarka lagu qaaday ayaa waxaa xilligaasi ku sugna masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo, saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo siyaasiyiin kale.

Weerarkan ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari nooca aan xabadda karin oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasi oo lagu dhuftay albaabka hore ee guriga martida oo hoy u ah guddoomiyaha gobolka.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan is-miidaaminta ah ay ugu yaraan labo ruux ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ay ku jiraan guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed iyo Abaanduulaha Qeybta 43-aad Korneyl Axmed Cabdullaahi (Labaale).

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray qayb kamid ah guriga martida degmada Baardheere.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa kadib tiro hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen degmada Baardheere, waxaana guri kuyaalla halkaasi ku dhintay laba carruur ah oo walaalo ahaa, halka kuwa kale ay ku dhaawacmeen.

Xilliga uu qaraxa is-miidaaminta dhacayay ayaa waxaa la sheegay in xarunta ka socday shir gaar ah oo masuuliyiinta waxyeelada soo gaartay iyo kuwa ka badbaaday ay uga arrinsanayeen howl-gallada ka dhan ah Al-Shabaab ee ka billaabanaya gobolkaasi.

Ciidamo fara badan ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana gebi ahaanba la xiray dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Qaraxan ayaa imanaya xilli ay maalmihii dambe magaaladaasi kusii qulqulayeen siyaasiyiin horleh oo qaarkooda la sheegay in markii ugu horeysay ay tahay oo halkaasi tagaan, xilli ay sanadihii dambe xiisad siyaasadeed ka taagneyd gobolkaasi.

Gobolka Gedo ayaa dhawaan lagu wadaa inay ka billowdaan howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo ay halkaasi gaareen ciidamo badan oo Itoobiyaan ah.