DF oo war kasoo saartay arrin xiisad xooggan ka abuurtay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray tallaabadii shalay xiisadda ka abuurtay Muqdisho ee shacabka degan guryaha Bangiga dhexe ee Bangaariyo looga saarayay.

Waxa uu sheegay in tallaabadaasi kadib uu si buuxda ula wareegay dhulka iyo guryihii uu lahaa Bangiga Dhexe ee degamada Wadajir.

“Maanta oo ay taarikhdu ku astaysantahay 13-ka Maarso, 2023, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxuu si sharci ah ula soo wareeegay dhulka iyo Guryaha Bankiga (Bangaariyo) ee ku yaala Degmada Wadajir gaar ahaan xafadda Buulo-xuubey,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka kasoo baxay Bangiga Dhexe ayaa sidoo kale lagu difaacay qaabkii loo maray baneynta guryahaasi ee looga saaray dad shacab ah oo deganaa, “Go’aanka la wareegista dhulka waa mid loo maray si waafaqsan dastuurka, iyo Shuruucda dalka.”

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxa kale oo uu sheegay in uu dib ula wareegi doono dhamaan hantidiisa kale ee sida sharci darrada uga maqan, si waafaqsan sharciga.

Tallaabada ay shalay ciidamada Booliska sida xoogga ah ugu baneeyeen dhulkaasi ayaa waxay dhalisay xiisad xoogan iyo hadal hayn, waxaana kamid ah dadka falceiyay siyaasiga caanka ee Cali Yare Cali oo si weyn u dhaliilay dowladda federaalka.

“Shaqsi ahaan waxaan ku jiray dad badan oo aaminsanaa in maamulka Madaxweyne Xassan Shiikh oo ka leexan doono waddadii hore loogu bartay ee boobka dhulka hantida guud ahaa. Madaxweyne sharaftaada ilaasho oo in magacaaga dalka lagu boobo iska diid shacabkana haloo turo,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga gobolka Banaadir.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Bangiga Dhexe

War saxafadeed rasmi ah

Maanta oo ay taarikhdu ku astaysantahay 13-ka Maarso, 2023, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxuu si sharci ah ula soo wareeegay dhulka iyo Guryaha Bankiga (Bangaariyo) ee ku yaala Degmada Wadajir gaar ahaan xafadda Buulo-xuubey.

Go’aanka la wareegista dhulka waa mid loo maray si waafaqsan dastuurka, iyo Shuruucda dalka.

Sida uu qabo qodobka 87-aad ee xeerka madaniga Soomaaliyeed oo ka hadlaya hantida garan-ka waxuu si cad u sheegayaa inaan la iibin karin, la rahmi karin ama lawareejin karin hanti Qaran oo ay leedahay dowladdu.

Bangiga isagoo tixgaliya mudnaanta iyo baahida uu u qabo ka fai’daysiga dhulkiisa ayuu u maray si waafaqsan hanaanka garsoorka dalka inuu hantidiisa si sharci ah dib ula soo wareego.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxuu si waafaaqsan sharciga ula soo wareegi doonaa dhamaan hantidiisa kale ee shacabku sida sharcidarada ah ku daganyihiin.