Shirkadda Saudi Aramco oo sameysay wax aan horey uga dhicin caalamka (Warbixin)

Riyadh (Caasimada Online) – Shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco ayaa shaacisay inay diiwaan-gelisay faa’iido dhan $161.1 bilyan sannadkii hore ee 2022, taasi oo ah arrin aan caalamka horey ugu dhicin.

Faa’iido $161 bilyan ah, ayaa ah tii ugu badneyd ee abid ay sameyso shirkad ka diiwaan gashan suuqyada saamiyada caalamka.

Arrintan ayaa muujinaysa sida qiimaha saliidda ee kor u kacay kadib duullaankii Ruushka ee Ukraine uu kiciyay kobaca dhaqaalaha ugu sarreeya ee dhoofinta shidaalka adduunka.

Shirkadda tamarta ee inta badan ay dawladdua Sacuudigu leedahay, oo ah shirkadda labaad ee ugu qiimaha badan adduunka marka laga reebo shirkadda Apple, ayaa warbixin ay kasoo saartay suuqa saamiyada Sacuudiga ku sheegtay in dakhliga saafiga ah ee 2022 uu kor u kacay 46 boqolkiiba, halk sannadkii 2021 uu ahaa $110 bilyan.

Waxay sheegtay in natiijooyinkii ugu xoogganaa tan iyo markii Aramco ay noqotay shirkad liiska ku jirta 2019 ay inta badan sabab u tahay saameynta sicirka shidaalka ciiriinka ah ee uu qiimihiisa iibinta uu kor u kacay iyo xoojinta sifeynta xad-dhaafka.

Waxa kale oo ay Amco kor u qaaadday kobaca dhaqaalaha guud ee Sucuudiga kaas oo ay saraakiishu sheegeen inuu kobcay 8.7 % sanadkii 2022, waana heerka ugu sareeya ee waddamada G20.

Guulaha dhaqaale ee Aramco waxa lagu qiimeeyay dakhliga isku midka ah ee sannadka 2022 ee ay soo tebiyeen shanta ugu waaweyn shirkadaha shidaalka ee – Shell, Chevron, ExxonMobil, BP iyo Total Energy – kuwaas oo kor u dhaafay $150 bilyan.

Xarumaha shirkadda Aramco ayaa waxa hore ula kulmay weerarro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo, kuwaas oo ay sheegteen Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto.

Waxaa ugu dambeeyay weeraradaas muddo sannad laga joogo, balse heshiis lama filaan ah oo Jimcihii dhex maray Riyadh iyo Tehran ayaa lagu sheegay in dib loo soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee go’ay sannadkii 2016-kii, kaas oo yarayn kara khatarta bilaha soo socda.