Aqalka Sare oo ansixiyay sharciga la-dagaallanka argagixisada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Aqalka Sare ayaa maanta ansixiyay hindise-sharciyeedka la-dagaallanka Argagixsada, kadib dood dheer oo maalmihii ugu dambeeyay uu ka yeeshay golaha.

Hindise-sharciyaadka la-dagaallanka Argagixisada ayaa waxaa kulankii maanta ee Golaha Aqalka Sare cod aqbaliyad ah ku meel-mariyay 29 Senator oo soo xaadiray kulanka.

Xildhibaanada Golaha Shcabka ayaa 8-dii bishan ansixiyay sharcigan, wuxuuna dhaqan galayaa marka uu saxiixo madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sharcigan ayaa waxa uu muhiim u yahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda qeybo badan oo dalka.

Golaha Aqalka Sare ayaa toddobaadyadii dambe dardar-gelinayay shuruucda loo gudbiyay, isaga oo goluhu shalay ansixiyay xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dalka.

Ansixinta guddigaan ayaa waxaa ogolaatay 30 Senator, majirin Senator diiday, sidoo kale wax ka aamusayna majirin, sida uu shaaciyay guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Guddigan ayaa waxaa Golaha Aqalka Sare horgeeyay wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS, waxaana laba maalin kahor meel-mariyay guddigan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xubnahan oo ka kooban shan xubnood ayaa golaha shacabka waxay u qaadeen cod, waxayna ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, iyadoo aysan jirin mudane diiday ama ka aamusay.