Daawo: DF oo soo bandhigtay nin dil u qorsheeyay Wasiir Mukhtaar Roobow

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa baahisay barnaamij lagu soo bandhigay xogta nin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isticmaali jiray xeelado aad u sareeya, kaas oo soo galay gacanta hey’adaha ammaanka.

Ninkaan waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr. Fanax) waa dilaa barnaamijkaan ku qirtay dhagaro badan oo dad badan uu naftooda ku dhaafiyey.

Dadkii uu u qorsheeyey inuu dilo waxaa ku jiray wasiirka diinta Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow, xilli uu maxbuus ku ahaa xarunta hey’adda nabad sugidda Soomaaliya ee Habar-Khadiijo.

Dr. Fanax waxaa laga soo qabtay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, intii ay socotay doorashadii muranka badan dhalisay, wuxuuna barnaamijkaan ku soo bandhigay dhamaan xeeladihii uu isticmaalay intii uu ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ninkaan ayaa ahaa dhakhtar been abuur ah oo ka howlgeli jiray isbitaallada Muqdisho, sidoo kale wuxuu ahaa sarkaal ciidanka xoogga dalka ka heysta darajooyin been abuur ah.

Hanaanka dadka loo dilo iyo meelaha ugu daran ee laga dilo qofka ayuu wareysigaan uga sheekeeyey Dr. Fanax, isagoo tusaale u soo qaatay dadkii uu horay u dilay.

Ninkaan ayaa sheegay inuu aad u isticmaali jiray si danihiisa gaarka ah uu u gaaro, odayaasha dhaqanka ee beeshiisa, saraakiisha beeshiisa iyo mooryaanta ku heybta ah, si ay u difaacaan markii lasoo qabto.

Barnaamijkaan waxaa ka soo muuqanaya nin adeerkiis ah, oo ahsarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo Dr. Fanax uu dhowr jeer gabaad ka dhigtay, isla markaana uu ku gaaray dano uusan fahamsaneyn.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey dhaawac hadda ka hor ka soo gaaray qarax ay sameynayeen isaga iyo rag kale, isagoo sheegay inuu galay isbitaal, sidaasna uu uga bogsooday iyadoo aan la ogaan.

Wuxuu sheegay in mar lagu xiray xero lagu dhaqan celiyo dadka ka soo baxa Al-Shabaab oo ku taalla magaalada Beledweyne, sidoo kale magaalada Saakow ayuu sheegay inuu ku soo qaatay tababarka ka saamaxay inuu ku shaqeyso xirfadda dhakhtarka.

Hoos ka daawo barnaamijka