Sawirro: Soomaaliya oo loo ogolaaday xubinnimada urur caalami ah (Faah-faahin)

Manama (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xubin ka noqday ururka xoghayeyaasha guud ee baarlamaanada adduunka, kadib markii uu dhawaan Aqalka Sare wafdi u diray dalka Baxreyn.

Xoghayaha guud ee Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa hoggaaminaya wafdiga ay dirtay Soomaaliya, wuxuuna magaalada Manama ee dalka Baxreyn uga qeyb galay kulanka guud ee xoghayayaasha baarlamaannada adduunka.

Soomaaliya ayaa horay u gudbisay codsigeeda kamid noqoshada ururkaas, waxaana fadhigii ugu horeeyey loogu ogolaaday inay ku biirto ururka.

Codsiga Soomaaliya waxaa fadhi gaar ah ka yeeshay guddiga fulinta xoghayayaasha baarlamaannada adduunka, waxaana lagu go’aamiyay in baarlamaanka Somaaliya uu ku biiro ururka xoghayayaasha baarlamaannada adduunka.

Intaas kadib waxaa Baxreyn ka furmay shirka ururka, waxaana cod loo qooday codsiga Soomaaliya ka mid noqoshada ururka, waxayna Soomaaliya cod aqlabiyad leh ku heshay xubinimada ururkaas.

Markii ay burburtay Soomaaliya waxay lumisay dhamaan xubinimadeedii ururrada dunida, balse markii dib loo soo yagleelay dowladnimada Soomaaliya waxaa bilawday dadaallo lagu soo celinayo xiriirkii dalkaani uu la lahaa dunida.

Inkastoo heer fiican ay Soomaaliya ka gaartay ka soo muuqashada masraxyada caalamka, hadana waxaa jira ururro muhiim u ah oo weli ay u hanqal taageyso ka mid noqoshadooda.

Soomaaliya, inta badan lagama diido ku biiridda ururrada ay dalbato, maadaama uu dalku yahay mid qani ah oo aan weli laga faa’iideysan qeyraadkiisa, inkastoo ay ka dagaalamaan kooxo argagixiso ah, kuwaas oo lagu raja weyn yahay in la soo afjaro dhawaan.