Villa Somalia oo wafdi culus u dirtay Baydhaba + Sawirro

Baydhaba (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Agasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa galabta lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Wafdigaan ayaa hordhac u noqonaya safar ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ay ku tegi doonaan Baydhaba, halkaas oo 14-ka bishaan uu ka furmayo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Agaasime Xuseen Sheekh ayaa uga mahad-celiyey agaasimaha guud ee Madaxtooyada Koonfur-galbeed Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan, madaxda kale dowlad goboleedka iyo bulshada Koonfur-galbeed oo ku soo dhaweeyey Baydhaba.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in reer Baydhaba ay u diyaar garoobeen marti gelinta shirkaas iyo soo dhaweynta madaxda ka qeyb geleysa.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka soo qeyb geli doonaan dhamaan madaxda heer federal iyo heer dowlad goboleed ayaa maalamaha soo socda ka furmi doona magaalada Baydhaba.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa shirkaas diiradda lagu saari doonaa arrimaha wadahadallada iyo heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaran ee dhameystirka federalaynta hay’adaha dawladda.

Wuxuu noqonayaa shirkii afaraad oo madaxda golaha wadatashiga qaran ay isugu imaanayaan intii uu xukunka joogay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo xafiiska jooga wax ka yar sanad ayaa si dhow oo ka duwan madaxweynihii ka horeeyey ula saaxiibay madaxda dowlad goboleedyada dalka, taas oo u fududeysay inuu isugu yeero markii uu doonayo inuu kala tashado xaaladaha ku soo kordha.