Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale gaaray Asmara

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Asmara si diiran ugu soo dhaweeyey madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa caasimada Eritrea ee Asmara uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo laba maalin ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaadan doona dhigiisa Isaias Afwerki, oo ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka.

Safarka madaxweynaha ee Asmara ayaa yimid kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha Eritrea.

Eritrea ayaa waxaa tababar uga socda kumanaan ciidamo ah oo dhawaan loo qaaday, iyada oo bilo ka hor qeybo ka mid ah ciidamadii muddada sanadaha dalkaas tababarka ugu maqnaa dib loogu soo celiyay dalka.

Safarkan ayaa ah kii saddexaad ee madaxweynaha uu ku tago dalka Eritrea tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May, ayada oo safarkii koowaad uu dhacay 9-kii July 2022.

Madaxda labada dal ayaa hore heshiis is af-garad ah ugu saxiixday magaalada Asmara, kaasi oo ku qotomay xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya labada wadan ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Labada madaxweyne ayaa xilligaasi ku heshiiyay iskaashi ay ka yeeshaan arrimaha siyaasadda, diblomaasiyadda, dhaqanka, dhaqaalaha, deegaanka iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale qodobada kale ee muhiimka ah ee ku jiray heshiiskaas ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha difaaca iyo amniga oo muhiim gobolka Geeska Afrika, “In si wadajir ah loogu dadaalo sidii loo horumarin lahaa xiriirka saaxiibtinimo, iskaashiga iyo isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.”