Sawirro: Xasan Sheekh iyo Afwerki oo kala saxiixday heshiis 7 qodob ah (Aqriso)

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta heshiis cusub oo is af-garad ah magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea kula saxiixday dhigiisa dalkaasi, Mudane Isaias Afwerki.

Heshiiskan oo ka kooban ilaa 7 qodob ayaa ku qotoma xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya labada wadan ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda dalka Eritrea  ayaa lagu sheegay in labada dowladood ay ku heshiyeen iskaashi ay ka yeeshaan arrimaha siyaasadda, diblomaasiyadda, dhaqanka, dhaqaalaha, deegaanka iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale qodobada kale ee muhiimka ah ee ku jira heshiiskan waxaa ka mid ah arrimaha difaaca iyo amniga oo muhiim gobolka Geeska Afrika, sida lagu sheegay qoraalka.

Qodobada lagu heshiiyey oo toddoba ah ayaa kala ah:

1- Xoojinta xiriirka labada shacab, oo ay ku jiraan bulshooyinka qurbo-joogta ah.

2- Xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo diblomaasi, si ay u ilaaliyaan sarena ugu qaadaan danahooda qaran.

3- Ballaarinta iskaashiga dhaqaale iyo bulsho ayada oo diiradda la saarayo ganacsiga, maal-gashiga, amniga biyaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

4- Kobcinta wada-shaqeynta dhanka dhaqanka, farshaxanka, dhaq-dhaqaaqyada cayaaraha iyo sidoo kale sayniska iyo teknoolajiyadda.

5- Sare u qaadidda iskaashiga si loo ilaaliyo sarena loogu qaado deegaanka waxna looga qabto musiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurada saf-mareenka ah.

6- Xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo ammaanka.

7. In si wadajir ah loogu dadaalo sidii loo horumarin lahaa xiriirka saaxiibtinimo, iskaashiga iyo isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqashadiisu ay qaadatay dhowr cisho ayaa maanta soo gabagabeeyey, waxaana ujeedadiisa ugu weyn ay aheyd ka war doonka dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalkaasi.

Xasan Sheekh ayaa xeradooda ku booqday ciidamadaas iyo sidoo kale kuwa badda ee tababarka ku qaadanaya dhulka buuraleyda ee dalka Eritrea.

Ma cadda weli go’aanka laga gaaray arrinta ciidamadaas iyo goorta ay dalka dib ugu soo laabanayaan.