Mahdi Maxamed Guuleed: “Halkii aan doono ayaan ka tegi karaa Somaliland balse hal sabab ayaan u rabin”

Hargeysa (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa markii u horeysay wareysi uga hadlay sababta ay mas’uuliyiinta xilalka ka haya dowladda federaalka aysan ugu safri karin Somaliland.

Mahdi Guuleed ayaa ugu horeyntii dooday in isaga iyo siyaasiyiinta kale ee xilalka haysa u safri karaan Somaliland oo sheegata inay tahay dal madax-banaan, balse ay tix-gelinayaan nabad-gelyada reer Somaliland.

Waxa uu sheegay in sababta u weyn ee ay siyaasiyiinta xilalka haya aysan ugu safri karin deegaanada Somaliland ay tahay dhowrista Amniga guud ee Somaliland iyo Midnimada shacabka reer Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaanu u yeelnay (in Hargeysa aanan tagin) nabadda dadkaa annaga oo eegayna, waanu tagi karnaa, laakiin ma rabno in rabshad iyo buuq uu dhasho. Wasiirka warfaafintu Burco wuu tagi karaa, Wasiirka Dastuurku Ceerigaabo waa tagi karaa, Wasiir Beyle wu tagi karaa Awdal, wax u diidan majiro oo habeen iyo maalin wada-hadal iyo telefoon baa noo socda” ayuu yiri Guuleed Mahdi.

Waxa uu intaas kusii daray “Markaa waxa aanu ilaalinaynaa Nabadda jirta inay jirto oo dadkaasi (reer Somaliland-na) iyagoo hal mid ah wada-hadal iyo xal miro-dhal ah la gaaro”.

Mahdi ayaa ugu dambeyntii waxa kale oo ku dooday in haddii afti la qaado ay dadka reer Somaliland badankooda ay aaminsan yihiin midnimada Soomaaliya, isla markaana ay u dooran lahaayeen midnimo, taasi oo meesha ka saareysa madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Mahdi ayaa imanaya xili ay dhawaan Somaliland soo saartay go’aamo ay ku shaacineysay shuruudo lagu xirayo siyaasiyiinta kasoo jeeda deeganadeeda ee xilalka ka haya DF, si ay ugu safraan Somaliland, kuwaasi oo ay ku fareysay ka tanaasulka midnimada Soomaaliya iyo inuu iska casilo xilka uu hayo.