Malcuunkii sameeyey Sawir gacmeedyada loogu gefay Nebiga SCW oo geeriyooday

Copenhagen (Caasimada Online) – Farshaxamiistihii malcuunka ahaa ee reer Denmark ee sameeyey sawir gacmeedyada uu ku sheegay uguna gefay Nebi Muxamed SCW ayaa geeriyooday isaga oo 86 jir ah.

Kurt Westergaard ayaa geeriyooday isaga oo hurdo kadib muddo uu xanuunsanaa, sida ay qoyskiisa Axaddii u sheegeen wargeyska Denmark ee Berlingske.

Westergaard ayaa sameeyey 12 sawir gacmeed oo uu ku sheegay Nebi Muxamed SCW, oo lagu daabacay wargeyska xagjirka ah ee Jyllands-Posten, kuwaas oo cinwaan looga dhigay “Wejiga Muxamed”. 

Sawirradaas ayaan markii hore laga warhelin, hase yeeshee kadib laba asbuuc ayaa dibabaxyo ka dhan ah ay ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Copenhagen, kadibna safiirada dalalka Islaamka ayaa cabasho rasmi ah u gudbiyey dowladda Denmark.

Carradaas ayaa kadib isku rogtay mid caalami ah oo ka dhan ah Denmark oo ka dhacday dunida Islaamka oo idil, bishii Febraayo ee 2006. Safaaradaha dalalka Denmark iyo Norway ee dalalka Islaamka ayaa sidoo kale la weeraeray. 

Wixii ka dambeeyey sawirradaas, Westergaard ayaa ku noolaa nolol cabsi iyo argagax leh, isaga oo 24 saac ay ilaalo ka hayeen booliiska, laguna hayey goob sir ah oo aan la ogeyn. 

Horraantii 2010, booliska Denmark ayaa guriga Westergaard ku qabtay nin 28 jir ah oo mindi ku hubeysan oo qorsheynayey inuu dilo. 

Diinta Islaamka ma ogola in wax sawir ah laga sameeyo Rasuulka SCW, hase yeeshee kuwa Reer Galbeedka ee sidaas sameeya, ayaa qiil ka dhigta waxa loogu yeero xoriyadda hadalka.

Sanaddii 2015, 12 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday xarunta wargeyska Charlie Hebdo ee magaalada Paris kadib markii uu dib u daabacay sawirrada Westergaard.