Xiisadda iyo khilaafka u dhaxeeya Imaaraadka iyo Sacuudiga oo kasii dartay

Riyadh (Caasimada Online) – Falanqeeyayaasha taageersan Dowladda Sacuudi Carabiya ee ku sugan dalkaas ayaa bilaabay cambaareyn ay u jeedinayaan doorka ay Imaaraadka Carabta ee dagaalkii Yeman, taasi oo ka turjumeysa inay sii kordheyso xiisadda siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee u dhaxeysa labada dowladood ee xulafada ah.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa isku dayeysa inay xakameyso loolanka awoodeed ee Koonfurta Yemen ee u dhaxeeya dowladda la aqoonsan yahay oo ay taageerto Riyadh iyo kooxda ugu weyn ee dowladda kasoo horjeeda oo ay taageerto Imaaraadka Carabta, taasoo sababi karta inuu sii socdo dagaalka uu sacuudiga halganka ugu jiro inuu ka baxo.

“Haddii Imaaraadka aysan gacan ka geysan hirgelinta heshiiskii Riyadh ee la xiriiray xiisadda koonfurta Yemen, oo ay sii waddo carqaladeynta, waxaan u maleynayaa in xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka uu kusii socon doono xaaladda halista ah oo uu hadda ku jiro,” ayuu yiri qoraaga siyaasadeed Suleiman Al-Oqeliy, oo inta badan ka turjuma mowqifka rasmiga ah ee Sacuudiga kadib qoraal uu soo dhigay Twitter-ka.

“Boqortooyada, dawladda iyo dadku uma oggolaan doonaan cidna inay farageliso amniga Yemen oo ay wax u dhinto. Dulqaadkeedu waa weyn yahay laakiin wuxuu leeyahay xad,” ayuu Twitter-ka ku qoray Abdullah Al-Hatayla, oo ah ku-xigeenka tifaftiraha wargayska Sacuudiga ee Okaz.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga iyo Imaaraadku si dhakhso ah ugama jawaabin codsigii Wakaaladda Wararka ee Reuters ee ahaa inay ka hadlaan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeyso labadaan dowladood ee xulafada ah.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xubin ka ah isbaheysiga Milatari ee uu hoggaamiyo Riyadh ee faragalinta ku sameeyay Yemen sanadii 2015 kana soo horjeeday Xuutiyiinta Iran la safan ee dowlada ka saaray caasimadda Sanca.

Abu Dhabi waxay soo afjartay joogitaankeeda militari ee dalka Yemen sanadkii 2019, iyadoo ku wareejisay Riyadh dagaal qarash badan ku baxay oo aan la jecleysan, laakiin waxay sii wadaa inay awood ku yeelato dagaalyahanada Yemen iyadoo tababar iyo hub isugu dartay kooxaha kasoo horjeedo dowladda la aqoonsan yahay.

Kooxaha ay maalgelisay Imaaraadka waxaa kamid ah xoogagga Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta, sidoo kale xubno ka tirsan isbahaysiga, kuwaas oo laba jeer qabsaday dekedda koonfureed ee Cadan, xarunta ku-meel-gaarka ah ee dawladda Sacuudiga taageerto, taas oo keentay in Riyadh ay bilowdo heshiis awood-qaybsi ah oo aan weli dhicin in si buuxda loo hirgelio.

Dhaleeceynta ay soo jeediyeen dadka wax faaleeya ayaa imaaneysa kadib khilaaf u dhaxeeya Riyadh iyo Abu Dhabi kaas oo carqaladeeyay dejinta siyaasada shidaalka ee ururka OPEC+, oo ah koox ay ku jiraan OPEC iyo xulafadooda. OPEC + waxay xaqiijisay heshiis si kor loogu qaado wax soo saarka saliida markii ay dib isugu soo laabatay Axadii .

Si kastaba ha ahaatee falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in tartanka dhaqaalaha ee sii kordhaya uu dhigayo kala duwanaansho qaawan oo u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Imaaraatka iyada oo boqortooyada ay u dhaqaaqeyso inay ka hortagto awooda ganacsi iyo midda dalxiis ee Imaaraadka Carabta.