Maleeshiyo is-hortaagtay safarkii Cali Guudlaawe ee Beledweyne iyo xiisad taagan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa mar kale maanta dib u dhacay safar uu Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulllaahi Xuseen (Guudlaawe) ku tagi lahaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Sababta baaqashada safarka madaxweyne Guudlaawe ee Magaalada Beledweyne ayaa lagu sheegay kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo kasoo horjeedo safarkiisa ay aad ugu soo dhawaadeen garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.

Maleeshiyaadkan hubeysan, oo ku sugnaa deegaanka Ceelgaal ee duleedka Magaalada Beledweyne, ayaa la sheegay inay xalay usoo dhawadeen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaladaasi.

Waxaa fashil kusoo dhamaaday wada-hadal u socday xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo maleeshiyada hubeysan ee kasoo horjeedo safarka uu madaxweyne Guudlaawe ku imaan lahaa magaalada.

Maleeshiyadaan hubeysan ayaa waxaa hoggaaminaya General Xuud oo ah sarkaal hore, islamarkaana kamid ahaa musharixiinta madaxweynaha maamulka HirShabelle.

Generalkaan ayaa la rumeysan inuu aad uga soo horjeedo isbadalkii lagu sameeyey awood qeybsigii Maamulka Hirshabelle kadib markii xilka madaxweynimo laga wareejiyey Beesha Xawaadle oo horey u heysay.

Waxaa socdo dadaalo dheeraad ah oo la doonayo in xiisadaan lagu damiyo, balse aad ayey u yar tahay rajada ah in Madaxweyne Guudlaawe tago Magaalada Beledweyne sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo ku sugan Magaalada.