26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Man City oo ka fikireysa inay Janaayo lasoo wareegto Suarez.

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Manchester City ayaa ka fikireysa inay Janaayo lasoo wareegto weeraryahanka xulka Uruguay iyo kooxda Liverpool Luis Suarez. Sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Roberto Mancini ayaa sidii uu u baahnaa uga caana maalin weeraryahanka reer Italy Mario Balotelli, wuxuuna ku fashilmay in si fiican uu ugu xisaabtamo kulamada Barclays Premier League.

Suarez ayaa hugaamiye xilli ciyaareedkaan u ahaa Liverpool, wuxuuna u dhaliyey 11 gool, laakiin waayihiisa aan la iska indha tiri Karin ka dib, tababare Mancini ayaa jeclaan lahaa inuu weeraryahankaan keeno Etihad Stadium.

Hadiiba uu Suarez ka tegaayo Anfield, waxaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 50 milyan oo ginni.

Liverpool ayaana ceshatay 25 jirkaan iyadoo ay xagaaga indhaha ku hayeen Paris St Germain iyo Juventus. Iyadoo uu haatan qandaraaskiisu dhacayo 2017ka.

W/Q: Ahmed jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

- Advertisement -

Read more

Local News