Man United oo Arsenal, Man City iyo Liverpool kula biirtay xiisha loo qabo Wilfried Zaha.

Manchester United ayaa kula biirtay kooxaha wakiilada indha-indheeyeyaasha ah u dirtay ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Crystal Palace Wilfried Zaha.

Tottenham ayaa la rumeysan yahay inay xidigaan wakiilo daawada u dirtay laakiin Arsenal, Manchester City iyo Liverpool ayaa sidoo kale indha-indheynaayey ciyaaryahanka.

Madaxa sare ee ilaalada Arsenal Steve Rowley ayaa 19 jirkaan daawaday kulankii isbuucii lasoo dhaafay ay kooxdiisu la ciyartay Leicester.

Bishii lasoo dhaafay, milkiilaha Crystal Palace Steve Parish ayaa yiri: “Wuxuu leeyahay tayo xad dhaaf ah. Waxaan iri markii uu bilaabanaayey xilli ciyaareedku inaan heysano Wilf waxay la mid tahay anagoo lacag badan ku qarash gareynay suuqa kala iibsiga.

“Dhinacyada kale way usoo duuli karaan hadii ay heystaan 20 milyan oo ginni ka hir inta aysan xiiseyn.”

W/Q: Ahmed Jaanoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.