Man United oo 16 milyan ku dooneysa xidiga garabka uga ciyaara Porto James Rodriguez.

Kooxda Old Trafford ayaa isha ku heysa xaalda weeraryahanka Porto kaasoo ay u aragto bedelka xidiga kooxda kasii socda ee Luis Nani.

Man United ayaa diyaar u ah inay dalab 20 milyan oo euro ah una dhiganta (16 milyan oo ginni) u dirto da’yarka kooxda FC Porto James Rodriguez kaasoo uu Sir Alex Ferguson u arko bedelka Nani.

21 jirkaan reer Colombia ayaa waayo hurumar ah ka sameynaayey Portugal tan iyo markii uu yimid 2010kii, wuxuuna kooxdiisa ka caawiyey labadii xilli ciyaareed ee uu joogay Estadio Dragao inay horay iyo gadaal u qaado Horyaalka iyo guusheedii Europa League. Si kastaba waxaa looga gacan haatinayaa Man United, iyadoo uu xidigaani ka ciyaari karo qadka dhexe ee weerarka, laakiin waxaa loo maleynayaa inay u rabto doorka baalasha.

Wargeyska Daily Star ayaa rumeysan in gudoomiyaha fulinta Man United David Gill uu tababare Sir Alex Ferguson u sheegay inaan maaro loo heyn mushkilada Nani ee mushaarka ku saleysan sidaas darteed la raadiyo bedelkiisa.

Rodriguez ayaa ka dib ula muuqday xidiga ugu haboon ee bedelka Nani kaasoo xittaa loo arko inuu ka wanaagsan yahay argti ahaan waxayna United dooneysaa inuu mutaqbalka dhow soo xaadiro masraxa Riyada.

W/Q: Ahmed Jaanoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.