Manchester United oo isha ku heysa bedelka Luis Nani.

Manchester United ayaa lala xiriirinayaa ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda FC Porto James Rodriguez, kaasoo ay u arkaan bedelka Nani – oo diirada u saaran Juventus iyo  AC Milan, sida ay hadal hayaan saxaafadu.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Colombia ayaa lala meel dhigaa Cristiano Ronaldo-ha Koonfur America, waxaana laga xiiseynayaa Old Trafford.

“Dhamaanteen weynu ognahay inay Manchester United tahay koox weyn,” ayuu yiri.

“Horyaalka England waa horyaal weyn laakiin hada waxaan ka fikirayaa Porto. Waxaan heysanaa waqti fiican shaqsi ahaana waxaan dareemayaa wax wnaagsan waxaana diirada saarayaa halkaas.”

United ayaa mar kale xiiseyneysa xidigan iyadoo mustaqbalka Nani uu shaki ku jiro, kaasoo ay saxiixiisa quud dareynayaan Juventus oo hada kusoo biirtay iyo AC Milan.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.