Maraakiib iyo doonyo ka yimid dalalka Carabta oo ku xayiran dekedda Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Maraakiib iyo Doonyo ka soo shiraacday dalalka Carabta, gaar ahaan Imaaraadka iyo Cumaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku xayiran yihiin dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Maraabkiibta iyo doonyahaasi ayaa la sheegay inay sidaan shixnado ganacsi, waxaana ay u raran yihiin ganacsato Soomaaliyeed, gaar kuwo reer Puntland ah.

Wararka ayaa sheegaya in sababta ka dambeysa xayiraadooda ay tahay ciid la sheegay inay buuxisay marinka dekedda magaalada Boosaaso oo ay haatan gacanta ku heyso shirkadda P & O, oo hoostagta DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in maamulka dekedda uu maraabkiibta iyo doonyahaasi ku amray in ay ku hakadaan xeebta illaa in muddo ah.

Howl-wadeenada dekedda ayaa sidoo kale haatan wada dadaalo ciida faraha badan looga saarayo dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

DP World oo horey heshiis ula gashay dowlad goboleedka Puntland ayaa ballantu waxa ay aheyd inay dayactir iyo ballaarin ku sameyso dekeddaasi, balse weli waxba kama aysan qaban.