Sawirro: Qoor Qoor oo ciidamo cusub tababartay xilli ay is hayaan saraakiil sare

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Iyadoo Galmudug uu ka taaganyahay khilaaf culus oo u dhaxeeya Madaxwaynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan Dhuusamareeb, ayuu madaxweyne Qoor Qoor bilaabay qorshe isku tashi ah oo uu uga kaaftoomayo isku haleynta ciidamo aan ka amar qaadaneyn.

Madaxweyne Qoor Qoor oo maalin ka hor markii uu soo ifbaxay khilaafka isaga iyo saraakiisha beesha Ceyr ka amba-baxay Dhuusamareeb, isla markaana gaaray magaalada Cadaado ayaa maanta uga sii gudbay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaas oo uu tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka cusub ee daraawiishta Galmudug.

Ciidankan ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay tababar ku qaadanayay xero lagu magacaabo Indha-qaris oo ku taalla duleedka magaalada Gaalkacyo.

Munaasabada lagu soo xirayey tababarkaas ayuu madaxweynuhu ku dalacsiiyey saraakiil, waxaana ku sugnaa wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, xubno ka socday guddiga amniga ee baarlamaanka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.

Ciidamada maanta uu tababarka u soo xiray Madaxweyne Qoor Qoor ayaa qeyb ka ahaa maleeshiyaad horay looga uruuriyay magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa markii loo magacaabay wasaaradaas waxa uu Galmudug ka bilaabay uruurin maleeshiyaadka iyo hubkooda, isagoo isugu geeyey, isla markaana tababarro uga furay xeryaha Indha-Qaris, Dhaan-karoone, Dhabad iyo Balambale oo ku kala yaalla gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Hadda Madaxweyne Qoor Qoor iyo wasiirkiisa amniga Fiqi ayaa bilaabay dardar-gelinta dhismaha ciidanka daraawiishta Galmudug, waxayna qorsheynayaan in maalmaha soo socda ay gaaraan xerayaha kale ee tababarrada ciidamada daraawiishtu ka socdaan, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka.

Qoor Qoor iyo saraakiisha beesha Ceyr ayaa isku haya gacan ku heynta hubkii Ahlu-Sunna oo dhawaan si qarsoodi ah looga saaray madaxtooyada Galmudug oo lagu waardiyey jiray, waxaana la wareegay Jeneraal Mascuud oo ah taliyaha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Jenaraal Mascuud uu ka war helay in madaxweyne Qoor Qoor iyo wasiir Fiqi ay qorsheynayeen, in hubka iyo gaadiidka lagala wareegay Ahlu-Sunna ay saaraan ciidamada dhismuhu ku socdo ee aas-aaska u ah daraawiishta Galmudug.

Jeneraal Mascuud ayaa ku doodaya in hubkaas uu yahay mid qabiil, balse uusan aheyn mid dowladeed, iyadoo taasna ay ku raaceen odayaasha dhaqanka beesha Ceyr, kadib markii ay xalay kulan kula qaateen magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa socota waan-waan lagu xalinayo khilaafka saraakiisha Ceyr ee Mascuud u horeeyo iyo madaxweyne Qoor Qoor, taas oo ay wadaan saraakiil ka socota beesha iyo dowladda dhexe, balse weli laguma guuleysan in lasoo afjaro khilaafka.