Maamulka gobolka Gedo oo faah-faahiyey dagaalka ay la galeen ciidamada Kenya

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya Cismaan Nuur Xaaji Macalimow ayaa faahfaahiyey dagaalkii ciidamada dowladda Kenya iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ku dhex maray inta u dhaxeysa magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera.

Sabtigii ayey labada ciidan rasaas isku weydaarsadeen xuduuda, kadib markii ay ciidamada Kenya rasaas ku fureen dad Soomaaliyeed oo rayid ah, kuwaas oo ka banaanbaxayey tacadiyo ay u geysteen ciidamada militeriga Kenya.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimow  oo BBC-da la hadlay ayaa yiri, “Ciidammada Kenya ayaa rasaas ku furay dad mudaaharadayay kuna sugnaa agoob u dhaw xadka beledxaawa iyo Mandera. Ciidammada xoogga dalka Soomaaliya ayaa iyagana ka jawaabay oo rasaas ku furay ciidammada Kenya.”

Macallimuu ayaa intaasi ku daray in Isniintii maanta ay deganeed xaladda aaggii lagu dagaalamay oo ah xuduud beenaadka ay wadaagaan labada magaalo ee Beled-Xaawo iyo Mandheera.

Sidoo kale guddoomiyuhu waxa uu dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbaday inay soo farageliso arrinta ka dhacday xuduuda gobolka Gedo ee uu la wadaago Kenya.

Shacabka mudaharaadayay ee rasaasta ay ku fureen ciidamada Kenya ayaa ka careysnaa wiil dhalinyaro ah oo ciidamada Kenya ay ku dileen deegaanka Yado ee u dhow degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Sidoo kale ciidamada Kenya ayaa isla deegaankaas ka watay seddax nin oo kale, kuwaas oo xilli ay habeen ah ay guryahooda kala baxeen.

Dhanka kale wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo hogaaminaya guddi uu dhawaan madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland u magacaabay dhacdadaas ayaa BBC-da u sheegay in ay tallaabada ku haboon qaadi doonaan marka ay soo ogaadaan sida ay wax u dhaceen.

“Arrintaas mid nagu cusub ma aha, haddii aan xaqiijinno in dadka uu dhibka gaaray ay shacab ahaayeen, waxaan la xisaabtameynaa ciddii dhibka u geysatay, waddo kasta oo saliim ah, oo dadkeenu ay ku daawoobi doonaan anaguna aan ku daawoobeyno ayaana mari doonaa” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.