Maraakiibta DAGAALKA ee SHIINAHA iyo TAIWAN oo badweynta isku eeganaya

Taipei (Caasimada Online) – Maraakiibta dagaalka ee Shiinaha iyo Taiwan ayaa isku eeganaya badweynta, ka hor inta aanu soo gaba-gaboobin afar maalmood oo dhoolatus ciidan ah oo aan hore loo arag oo Shiinuhu sameeyay, kaasi oo ay jawaab uga bixinayeen booqashadii afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka ay ku tagtay Taiwan.

Ku dhawaad 10-markab oo kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay Shiinaha iyo Taiwan ayaa ka shiraacday meel u dhow marin biyoodka Taiwan, iyadoo qaar ka mid ah maraakiibta Shiinaha ay ka gudbeen dilinta ama xarriiqa aan si rasmi ah la iskugu waafaqsaneyn ee u dhexeysa Shiinaha iyo Taiwan, sida uu sheegay qof xog ogaal u ah arrintaan.

Wasaaradda difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay in maraakiib, diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee Shiinuhu ay u muuqato inay sameynayaan weeraro ka dhan ah Taiwan iyo ciidamadeeda badda. Waxay sheegtay in ay u dirtay diyaarado iyo maraakiib si ay uga fal celiyaan “si habboon”.

Taiwan waxa ay sheegtay in gantaaladeeda lidka maraakiibta iyo kuwa kale ee Patriot ee cirka ilaa hawada ay diyaar u ugu yihiin xeebta.

Dhoolatuska Shiinaha oo udub dhexaad u ahaa lix goobood oo ku xeeran jasiiradda uu Shiinuhu ku andacoonayo inuu isagu leeyahay ayaa billoowday Khamiistii, waxaana loo qorsheeyay inuu socdo ilaa duhurnimadii Axadda, sida ay werisay wakaaladda rasmiga ah ee wararka Shiinaha ee e Xinhua todobaadkii hore.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Shiinaha oo ku saabsan in dhoolatusku uu dhamaanayo iyo in kale.

Taiwan ayaa sheegtay in aysan awoodin in ay xaqiijiso in Shiinuhu uu joojiyay iyo in kale.

Booqashada Nancy Pelosi ay todobaadkii hore ku tagtay jasiirada iskeed isku maamusha ayaa ka careysiisay Shiinaha, taasi oo keentay in ay gantaal ballistic ah ku tijaabiso caasimadda jasiiradaasi markii ugu horeysay, iyada oo sidoo kale jartay qeyb ka mid ah xiriirkii isgaarsiinta ee ay la lahayd Maraykanka.