Sawirro: Madaxweyne Xasan oo u baxay safarkii 8-aad ee dibadeed + Ujeedka

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u amba-baxay wadanka Uganda, waxaana madaxweynaha iyo wafdigiisa garoonka Aadan Cadde ku sii sagootiyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe.

Booqashada madaxweynaha oo ah mid rasmi ah ayaa ku timid casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi Yoweri Museveni, waxayna qaadan doontaa muddo saddex cisho ah.

Villa Soomaaliya oo ka warbixisay safarka madaxweynaha ayaa shaacisay in Soomaaliya iyo Uganda ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga amniga.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho saddex maalmood ah ay uga bilaabanayso dalkaas ayaa waxa ay ka wada hadli doonaan Madaxweyne Yoweri Museveni xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca ammaanka,” ayaa lagu yiri warka qoraal ah ee ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu joogo magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda ka qeyb gali doono madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, ayada oo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo sidoo kale kobaca wax soo saarka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale qaabili doono jaaliyadda iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata gudaha dalkaasi, gaar ahaan magaalada Kampala.

Uganda ayaa noqotay dalkii 8-aad ee uu booqdo madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii la doortay 15 May kadib Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti, Tanzania iyo Masar. 

Dhammaan dalalkaas ayaa muhiim u ah Soomaaliya, waxana isugu jiraan kuwo deris la ah sida Kenya, kuwa ay Soomaaliya ciidanka ka joogaan iyo kuwa xiriir taariikhi ah oo ganacsi ama diblomaasi la leh Soomaaliya, waxayna Uganda qeyb kasoo galeysaa muhiimaddaas.