Maraykanka oo caddeeyey mawqifka maamulka Trump ee aqoonsiga Somaliland

Washington (Caasimada Online) – Dawladda Maraykanka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa cadaysay mawqifka dalkaas ee aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika danjire Tibor Nagy, ayaa shalay ka qayb galay barnaamij su’aalo toos ah lagu weydiinayay oo ku saabsanaa siyaasadda cusub ee Maraykanka ee ku waajahan Afrika, waxaana su’aal weydiiyay Siciid Ismaaciil Ibraahim oo reer Somaliland ah oo madax ka ah shabakadda Somaliland Chronicle.

Su’aasha la weydiiyay danjire Tibor Nagy, ayaa ahayd “Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay inuu Soomaaliya siinayo deeq ku dhow hal bilyan inkasta oo uu ka jiro musuq maasuq baahsan iyio nabadgelyo darro sii xumaanaysa. Dhinaca kele Somaliland waxay ahayd dal nabad iyo dimoqraadiyadi ka jirto 27 sanadood ee u dambeeyay. Muxuu Markaaynku si macne leh ugula shaqayn waayay Somailand?

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo ka jawaabaya su’aashan ayaa sheegay in markasta oo uu meel ka hadlo la soo hadal qaado su’aasha ku saabsan qaddiyadda Somaliland, waxaanu danjire Tibor Nagy ku jawaabay  “Su’aasha Somaliland mar walba oo aan hadlo way soo baxdaa ama barnaamijkan oo kale aan ka qayb galo.  Somaliland waxaay leedahay dood sharci oo ay soo bandhigto. Dabcan taas waa in lagaga go’aan gaadho meesha ku haboon.

Nagy oo caddeynaya in Mareykanka uu arrimaha Soomaaliya kala macaamilayo dowladda federaalka ee Soomaaliya oo kaliya ayaa yiri “Maraykanku caadiyan markay noqoto ictiraafka dal Afrikaan ah, wuxuu la tashadaa Midowga Afrika. Is haysashada dhul ahaaneed ee dalka Soomaaliya waa arin muhiim u ah Midowga Afrika. Markaa Maraykanku wuxuu la dhaqmaa dawladda federaalka Soomaaliya. Waxaanu intii awoodayada ah samaynaynaa inaanu xoojino dalwaddaas dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba. Markaa xiligan siyaasadda Maraykanku waa inay la dhaqmaan dawladda Soomaaliya si loola shaqeeyo dawlada Soomaaliya, si loo xoojiyo qaybtaas Geeska Afrika ka tirsan.”

Aqoonyahanada Somaliland ayaa fursad kasta oo ay ku helaan inay su’aalo weydiinayaan diblomaasiyiinta caalamiga ah waxay kusoo hadal qaadaan aqoonsi raadinta Somaliland, balse waxay mar kasta kala kulmaan jawaab niyad jab leh, sida middan oo kale.

Caasimada Online
Xafiisa Hargeysa

caasimada@live.com