Dowlada Mareykanka oo Shegtay Cida uu la kulmaayo M/Weyne Hassan.

Wanshinton (Caasimada Online) Sida ay qortay maanta oo Tallaado ah wakaalada wararka dalka Bahrain, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maalinta Khamiista la kulmo xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka, Hillary Clinton.

Kulanka ayaa la filayaa inuu ka dhaco xarunta Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Waa kii ugu horreyay oo rasmi ah oo ay yeeshaan labada dhinac tan iyo markii madaxweynaha uu xilka qabtay 10-kii bishi September sannadkii hore.

Wakaaladda oo soo xiganeysa afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibadda Maraykanka oo lagu magacaabo Victoria Nuland ayaa sheegtay in madaxweynaha uu la kulmi doono Mrs. Clinton .

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafadi uu hoggaaminaayo ayaa xaley ka dagay magaalada Washington ee xarunta dalka Maraykanka.

Waxa kaloo madaxweynaha inta uu joogo Maraykanka uu la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyinka Washington iyo Minneapolis.

Caasimada Online

Xafiiska Warraka Muqdisho