Fiqi oo Dalka Ku Soo Laabtay Maanta.

Muqdisho(Caasimada Online) Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi  ayaa maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay kadib markii uu safaro ku tagay wadamada Kenya iyo Uganda.

Wasiirka gaashaandhigay Xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo saxaafada kula hadlayey garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada muqdisho ayaa sheegay in madaxda waddamada uu booqday uu kala hadlay siddii loo xoojin lahaa ciidamada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay booqashada uu ku tagay dalka Uganda in uu kulan la qaatay madaxda ciidamada gaar ahaan wasiirka gaashandhigga Uganda iyo saraakiisha ciidamada.

Wasiirka ayaa shaaciyay mauuliyiinta uu la kulmay ay isku afgarteen in wixii hadda ka dambeeya tababarida ciidamada dowlada Soomaaliya ee loogu qaadi jiray wadanka Uganda loo soo wareejiyo dalka Soomaaliya.

Fiqi ayaa daaha ka qaaday in dalka hadda uu ammaan yahay oo tababarada ciidamada dowladda loogu qaadi jiray dibedda lagu qaban karo dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in booqashadii uu ku tagay Kenya uu kala hadlay madaxda dalka Kenya siddii loo xoojin lahaa taageerada la siinayo dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho