Shir Xasaasi ah oo Arimo Badan looga hadlay oo Muqdisho ka dhacay.

Muqidsho (Caasimada Online) Waxa maabta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhacay shir looga hadlaayay siddii Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraada hubka.

Shirka oo ay saxaafadda bannaanka ka joogtay ayaa waxa ka qaybgalay wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi, sarkaakiisha AMSIOM iyo wafdi ka socday Qaramada Midoobay.

Wasiirka ayaa kulankaas ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka codsaneyso QM in laga qaado cunnaqabateynta hubka.

Wuxuu sheegay in ay wafdiga u gudbiyeen codsigooda ku aaddan in Soomaaliya laga qaado xayiraadda dhinaca hubka, isagoo xaqiijiyay in ay wadahadalladu sii socon doonaan.

Illaa hadda si rasmi ah looma sheegin wax yaabaha ka soo baxay kulanka ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa QM sanandkii 1992-dii waxa la saaray xayiraada xagga hubka kaddib markii laga cabsaday in hubka lagalinaayo Soomaaliya uu gacanta u galo kooxaha ka dagaalamaka Soomaaliya.
Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho