Maraykanka iyo Somalia oo heshiisyo muddo dheer soconaya kala saxiixday

Washington DC (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya lacag dhan 1.9 milyan oo doollar  oo lagu taageerayo horumarinta tayada iyo waxqabadka ciidamada booliska ee dowladda Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, James P. McAnulty oo uu weheliyo ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimah Dibedda Mareykanka ee xafiiska la-dagaallanka maandooriyaha iyo xoojinta sharciyada, Todd Robinson ayaa sheegay in lacagta ay qayb weyn ka cayaari doonto dib-u-habeynta mashaariicda loogu talagalay tayeynta Booliska.

James iyo Todd ayaa caddeeyay in lacagta loogu yaboohay horumarinta ciidanka booliska Soomaaliya ay sidoo kale fududeyn doonto in uu booliska awood u yeesho ka hortagga iyo la-dagaalanka dambiyada ka dhaca qaybaha kala duwan ee Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane, oo Soomaaliya heshiiska u saxiixay ayaa sheegay in si loo xaqiijiyo soo celinta amniga ay muhiim tahay tayeynta booliska Soomaaliya.

Xafiiska Mareykanka u qaabilsan la-dagaallanka maandooriyaha iyo adkeynta sharciyada ayaa sidoo kale heshiis lagu taageerayo hirgalinta siyaasadda wanaagsan, nidaamka iyo sharciyada lagu ilaalinayo adeegga iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed la saxiixday dowladda Soomaaliya.

Heshiiska dambe ayaa si gaar ah u tageeri doona horumarinta waaxda la-dagaalanka dembiyada ee booliska Soomaaliya, wuxuuna fududeyn doonaa in uu booliska barto qaabka loo baaro dambiyada adag iyo in tababarro adag la siiyo xubnaha sare ee waaxda dembi-baarista si loo hubiyo heerkooda shaqo.

 Caasimada Online

Xafiiska Washington DC

Caasimada@live.com