DHAGEYSO: MAAMUL goboleed cusub oo Puntland looga dhawaaqay shalay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xoghayihii hore ee maamulka West Puntland Mudane Cabdikariim Aadam Xassan Wagaafe ayaa waxa uu sheegay in maamul cusub lagu lagu dhawaaqay oo si ku meel gaar ah uu Madaxweyne ugu yahay kaasoo uu sheegay in lagu magacaabo Galbeedka Mudug “West Mudug”.

Mudane Wagaafe waxa uu faahfaahin ka bixiyey waxa ku kalifay in waqtigaan looga dhawaaqo Galbeedka Mudug,xilli dhulka looga dhawaaqay ay Puntland sheegato, waxaana uu yiri “Baahi timi awgeed baanu u sameysanay maanta laga bilaabana deegaanada Galbeedka Mudug waxaana ku boorineynaa in reer walba ay maamul u gaar ah ay sameystaan”

Isaga oo ka jawaabaya meesha uu ka dhisan yahay Maamulkaan cusub ee uu madaxda ka yahay Cabdikariim Aadam Xassan Wagaafe ayaa waxa uu yiri “Maamulkaan waxa caasimad u ah magaalada Gaalkacyo xuduud waxa dheer waxa uu la leeyahay wadanka Itoobiya maamul goboleedka Puntland, iyo GalMudug”

Isaga oo ka jawaabaya sida uu u arko maamulka dhawaan ay Dowlada Fedraalka ka sameyneyso Goboladda Mudug iyo Galgaduud waxa uu yiri. “Waan taagersan nahay maamulkaas waana ka qeybgaleynaa hada waana lanagu martiqaaday oo hada Xamar wafdi ka socda maamulka aan madaxda ka ahay aya halkaas ku sugan.

Halkan ka dhageyso hadalkiisa

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

caasimada@live.com