Siyaasi caan oo diiday qorshaha ay DF hubka uga dhigeyso REER MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Daahir Cabdiqaadir Muuse Ciiro oo ahaa xildhibaan baarlamaankii hore ka tirsanaa ayaa sheegay in xukuumadda ay ku degdegtay qorshaha hubka sharci darrada looga qaadayo dalka gaar ahaan Muqdisho.

Wuxuu sheegay in aysan suura gal noqon karin xilligan in hub aruuris ah laga sameeyo dalka isla markaana arrintaas aaney socon karin.

Daahir Cabdiqaadir Muuse ayaa tilmaamay in hubka sharci darrada uu gacanta ugu galay shacabka isla markaana ay adagtahay in si fudud looga soo celiyo, arrintaasna waxay keeni kartaa ayuu yiri in dagaal sokeeye dalka uu dib uga qarxo sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu tilmaamay in xukuumadda ay dib u dhigto qorshahan, maadama dadka ay kala aamin baxeyn oo cid kastana uu hubka gurriga u yaallo.

Si kastaba, xubnaha golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa shaley meel mariyay hindiso sharciyeedka xakameynta hubka sida sharciga u yaalla dalka gaar ahaan Muqdisho.

Sharcigaas ayaa waxaa uu hadda hor yaallaa baarlamaanka oo la rabo in ay dhaqangaliyaan si uu meel maro.
Arrintan ayaa damba socota markii dhawaan ciidamada ammaanka howgallo ay ka sameeyeen xaafado Muqdisho ku yaalla ay ku soo qabqabteen hub aad u fara badan.

Hubkaas waxaa laga soo helay goobo ay lahaayeen hoggaamiyaal kooxeed iyo siyaasiyiin caan ah.

Soomaaliya ayaa dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay waxaa sii xoogeysanayay ganacsiga sharci-darrada ah ee hubka, iyadoo uu hubka gacanta u galay shacabka, ayna fududaatay in cid kasta sidii ay doonto ay u

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com