Mareeyihii guud ee hay’adda taya-dhowrka Soomaaliya oo shaqada laga joojiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshada xukuumadda Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaqo joojin ku sameeyay Mareeyaha Guud ee hay’adda taya-dhowrka Soomaaliyeed, Aadan Xasan Barre.

Wasiirka ayaa shaqo joojinta Mareeyaha u cuskaday wada-shaqeyn la’aan ka timid Mareeyaha guud ee hay’adda iyo curyaaminta habsami u socodka waajibaadka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka.

Sidoo kale waxa lagu eedeyay Mareeyaha Guud in uu si ula kac ah isaga indho-tirayo hanaanka kala sareynta shaqada, taasi oo gundhig u ah dhamaan howlaha la qabanayo

“Kadib markii uu arkay in Mareeyaha guud ee hay’adda uu iska dhega-tiray talooyin badan oo horey loogu soo jeediyay, laga bilaabo maanta waxa laga joojiyay Aadan Xasan Barre in uu ku howl-galo xilka Mareeyaha Guud” ayaa lagu yiri waraaqda shaqo joojinta ee uu soo saaray Wasiirka Ganacsiga.

Wasiirka ayaa xilka Mareeyaha Guud ee hay’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed u igmaday in uu sii hayo Mareeye ku-xigeenka hay’adaas.

Ugu dambeyntiina Wasiirka ayaa ka codsaday dhamaan hay’adaha dowladda ee wada-shaqeynta kala dhaxeyso Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed inay ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkiisa shaqo sii-hayaha xilka Mareeyaha Guud.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii