Mareykanka oo amar culus kusoo rogay madax maamul goboleedyada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa goordhoweyd war adag kasoo saartay shirka looga arrinsanayo doorashada ee la filayo inuu ka qabsoomo aagga la ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay safaarada ayaa lagu sheegay inay Shacabka Soomaaliyeed rabaan doorasho, islamarkaana ay tahay inay madaxda maamulada ay joogan magaalada Muqdisho ilaa inta heshiis laga gaarayo hanaanka doorashada.

“Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan doorasho hadda ah. Saciid Cabdullahi Deni, Axmed Madoobe, Axmed Kaariye Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen waa inay joogaan Muqdisho ilaa heshiis doorasho laga gaaro. Fashilku ma ahan ikhtiyaar,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda.

Amarkaan oo u muuqda mid looga digayo in madaxda ku sugan magaalada Muqdisho ay ka baxaan ka hor inta aan heshiis laga gaarin doorashada, si gaar ahna madax goboleedyada taabacsan Farmaajo, ayaa sii kordhinaya cadaadiska ay beesha caalamka ku saareyo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada inay heshiis ka gaaran doorashada.  

Qoraalka Safaarada oo ah amar culus oo ku socda madaxda dowlad goboleedyada ayaa waxa uu meesha ka saaray in kulanka Muqdisho uu fashilmay, sida kuwii hore, islamarkaana ay dhinacyadu ka shaqeeyan sidii ay heshiis u wada gaari lahaayeen.

Qoraalka Safaaradda ayaa imanaya xili ay maanta Saaxiibada beesha caalamka qoraal kasoo saareen heshiiska doorashada, iyagoona ugu baaqay madaxda Soomaalida inay si dhakhso leh u shiraan ayna muujiyaan hogaamin iyagoo ka amba-qaadaya soo-jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo ee 16kii Febraayo 2021 si loo hirgeliyo hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember 2020 loona gudbo doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac.

“Saaxiibada Caalamka waxay soo dhaweynayaan imaatinka ka qeyb galayaasha shir madaxeedka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, kaas oo lagu qaban doono aagga la ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana lagu dhawaaqay inuu bilaaban doono 22 Marso 2021,” ayaa lagu yiri qoraalka ay sida wada-jirka ah usoo saareen beesha caalamka.

Beesha caalamka ayaa ku dadaaleysa in shirka Muqdisho ee ka furmay gudaha Xalane uu fashilmo, sida kuwii ka horeeyay ay ugu kala kaceen madaxda isku haya doorashada, xili uu dhamaaday muddo xileedkii sharciga ahaa ee dowladda.