Taliyaha booliska oo war kasoo saaray ciidamada ‘la geeyey’ garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) –  Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya, Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka hadlay arrin saacadihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayey, midaasi oo la xiriirtay in garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cade la geeyay ciidamo hor leh.

Xijaar ayaa sheegay inaysan jirin wax ciidamo hor leh oo lagu daabulay garoonka Aadan Cadde, kadib markii Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed uu saldhigga garoonka hoos gooyey taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir, kaas oo markii hore ahaa mid madax-banaan.

“Waxaan xaqiijinayaa in hoggaanka ciidanka booliska Soomaaliyeed aysan wax ciidamo cusub ama dheeraad ah ku daabulin garoonka Aadan Cadde,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray taliya Xijaar.

“Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kuwa AMISOM iyo kuwa kale ee amniga kala shaqeeya aaga loo qoondeeyay inay ku shaqeeyaan ayaa howlahooda shaqo ee maalinlaha ah qabanaya.”

Hadalkaan ayaa imanaya xili uu shalay Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur walaac ka muujiyey in Taliska Booliska uu saldhiga garoonka ku wareejiyo gobolka Benaadir, asagoo farta ku fiiqay in ciidamo hor leh lagu daabuli doono, gaar ahaan Haramacad oo katirsan booliska dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Genaral Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa shalay saldhigga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde hoos gooyey taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir, kaas oo markii hore ahaa mid madax-banaan.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada uu qaaday taliyaha Booliska ee saldhigga garoonka lagu hoos geeyey taliska qeybta guud, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dano siyaasadeed laga leeyahay arrintaasi.

Si kastaba, arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli maalmihii dambe dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayay xerada Xalane oo uu ku yaallo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayada oo lagu wado in maalmaha soo socda uu ka furmo shir looga hadlayo doorashada.