Mareykanka oo ballan-qaad u sameeyey Soomaaliya kadib go’aankii golaha shacabka

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo dhoweysay go’aanka ay qaateen Golaha Shacabka Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo ee looga tanaasulay muddo kororsiga, dibna loogu laabanayo heshiiskii 17-ka September, waxayna ballan-qaaday inay gacan ka gaysaneyso qabashada doorashada dalka.

“Waxaan amaaneynaa shaacinta uu sameeyey madaxweynaha ee ah in ra’iisul wasaare Rooble uu hoggaamin doono dadaallada dowladda federaalka ee lagu soo dhameystirayo heshiiska, uuna maamuli doono fulinta hanaanka doorashada, oo ay ku jiraan arrimaha ammaanka,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh heshiiska inay deg deg u kulmaan ayada oo aan lagu xirin wax shuruudo horudhac ah, si loo dhameystiro qaban-qaabada doorashada loona billaabo in lagu fuliyo hab daah-furan oo wada-shaqeyn ku dhisan.

“Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay taageero ka gaysato fulinta doorashooyinka sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa si aqlabiyad leh shalay ku ansixiyey codsigii uu hor keenay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiska doorashada ee 17 September.

Guddoomiyaha Baalamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday Xildhibaanada in cod gacan tag ah loo qaado codsiga Madaxweynaha. Waxaa codsiga madaxweynaha aqbalay guud ahaan Xildhibaanadii kulanka kasoo qeyb galay oo ahaa 140 xldhibaan, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Mursal.