MAREYKANKA oo billaabay inuu dalalka deriska ah kala hadlo xiisadda Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo Kenya ayaa ka wada-hadlay xiisadaha xoogan ee haatan ka taagan wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya oo wajahaya xaalado adag oo ka dhashay arrimaha doorashooyinka ee labada dal.

Kulankan oo uu si gaar ah u dhex-maray madaxweynaha Kenya iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa waxaa lagu soo qaaday xiisadda haatan ka aloolsan Villa Soomaaliya ee u dhexeyso Farmaajo iyo Rooble, taas oo saameyn ku yeelatay doorashada.

Antony Blinken ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed inay xalliyaan khilaafka dhexdooda ah, isla-markaana ay soo gabagabeeyaan doorashada socota.

Sidoo kale wuxuu dalbaday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda ee Itoobiya ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo jabhadda TPLF, kadib qoraal uu soo dhigay Twitter-ka.

“Madaxweyne Kenyatta iyo anigu waxaan ka hadalnay sida deg-degga ah ee loo joojinayo dagaalka, si xal looga gaaro colaadaha sii xoogeysanaya ee ka socda Itoobiya iyo sida loogu baahan yahay in madaxda Soomaalida ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan doorashada oo ay ku dhaqmaan si is-xakameyn ah,” ayuu yiri Blinken

Dhankiisa madaxweynaha waddanka Kenya ayaa codkiisa ku biiriyey in loo baahan yahay  in xal laga gaaro dhibaatooyinka dalalka ay deriska yihiin ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo meeshii ugu sarreysay gaaray khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo markale dib uga qarxay Villa Soomaaliya, waxaana fashilmay waa-waan la doonayey in laga dhex bilaabay labada mas’uul, si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: