Xog: Mucaaradka qaarkood oo diiday la-kulanka Qoor Qoor iyo olole ka dhan ah oo ka billowday Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubno ka tirsan midowga musharaxiinta ay bilaabeen olole ka dhan ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo toos loogu tirinayo garabka Madaxweynihii hore Farmaajo oo hadda dhinac looga soo wada jeestay.

Xildhibaan Maxamed Abtidoon oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ee laga soo doorto degmada Cadaado ee Galmudug ayaa qoraal kooban oo bartiisa Facebookga uu ku soo qoray wuxuu ku yiri, “Golaha Badbaadada Galmudug mar dhaw filo.”

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa galabta yimid Muqdisho, hase yeeshee mucaaradka badankood way diideen inay kulmaan, si gaar ah Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaan sidoo kale xog ku helnay in abaabul ka dhan ah Qoor Qoor ay mucaaradku ka bilaabeen deegaanada Galmudug, waxayna doonayaan in meesha laga saaro Madaxweynaha Galmudug oo weli ku jira safka Farmaajo.

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Qoor Qoor u bixiyey magaca ‘Dhabar-jebin Qaran’ isagoo sheegay in Badbaado Qaran iyo Dhabar-jebin Qaran ay caawa ku wada sugan yihiin Muqdisho.

Fiqi oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa Facebookga ayaa ciidanka iyo siyaasiyiinta Badbaado Qaran ugu baaqay inay ka digtoonaadaan dhagarta iyo kala furfurka Axmed Qoor Qoor.

“Badbaado Qaran iyo  Dhabar-jabin Qaran caawa Muqdisho waa lagu wada sugan yahay! Dhabarjabin Qaran oo taageersan afgambiga, sidee u noqon karaa nabadoon? Waxaa waajib ah Badbaado qaran in ay ka digtoonaadaan dhagarta iyo kala furfurka Dhabarjabin Qaran! Sababta keentay khilaafkan cusub waxaa saldhig u ah qalad ay doorashada ka galeen dhabarjabin qaran, sidee qaladkiisii uga nabadooninaayaa?!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Fiqi.

Qoor Qoor ayaa la sheegay inuu isku deyey inuu kala furfuro midowga musharaxiinta  iyo xukuumadda oo hadda u mideysan dagaalka Farmaajo, isagoo ku shaqeynaya damaca iyo rabitaanka Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: