Xog: Rooble oo jawaab lama filaan ah siiyey wasiiro waan-waan ka siday Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble ayaa galabta ku gacan seyray qaar ka mid ah wasiirradiisa oo isku deyey inay waan-waan ka dhex bilaabaan isaga iyo Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnihii u tegay oo markii hore la soo kulmay Farmaajo waxuu ka dhageystay aragtidooda ku aadan sidii loo xalin halaa khilaafkaan, isagoo intaas kadib ku amray inay shaqooyinkooda qabsadaan,  intii ay ku mashquuli la haayeen waan-waan waqtigeedii dhaaftay.

Xogtaan oo aan ka helnay xubno ka tirsan xafiisyada ugu sareeya xukuumadda, waxay intaas ku dareysaa in wasiirrada isku howlan waan-waanta ee waji gabaxa kala kulmay Rooble uu hoggaaminayey ra’iisul wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed, isla markaana ay qeyb ka ahaayeen wasiirka arrimaha dibadda Cabdisiciid Muuse iyo wasiirka waxbarashada Cabdullahi Carab.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la sheegay in wasiirradaas uu waydiiyay sababtii ay uga hadli waayeen falalkii ka dhacay xaafiiskiisa, markii uu Farmaajo dul dhigay ciidamada oo ay hadda waan-waan u galayaan.

Wasiirada ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in Farmaajo uu aqbalay waan-waan laga dhex bilaabo isaga iyo Rooble, balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka cusleystay oo xubnahaas u sheegay in Farmaajo uusan wadahadal dambe ugu laaba doonin.

Galabta waxaa halkaas ku soo afjarmay qorshihii xubno ka tirsan golaha wasiirrada ay ku doonayeen inay qaataan door dhex-dhexaadin ah, si labada dhinac ay ugu kala dab qaadaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: