Ilhaan oo noqotay cadowga koowaad ee kooxda Farmaajo

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa noqotay “cadowga koowaad” ee taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii ay qaaday tallaabo aysan fileyn oo naxdin ku noqotay.

Ilhaan Cumar ayaa noqotay qofkii ugu sarreeyey ee ka tirsan dowladda Mareykanka ee ku baaqa in Farmaajo uu ka kaco kursiga uu ku dhowaad sanadka ugu fadhiyo sida sharci-darrada ah.

“Farmaajo sanad ayuu dhaafay muddo xileedkiisa. Waxaa la joogaa wakhtigii uu meesha ka bixi lahaa, si doorashada muddada la sugayey ay horey ugu socoto, sida ugu dhakhsaha badan,” ayey ku tiri qoraal ay twitterkeeda ku baahisay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Hadalka Ilhaan ayaa caro xooggan ku abuuray taageerayaasha madaxweynihii hore, waxayna billaabeen inay weerar shakhsi ah iyo aflagaado ku qaadaan, ayaga oo ku yaacay barteeda twitter-ka.

“Maxaa kaa galay Soomaaliya? Naag nin gaal ah aroostay warkeeda ma rabno. Soomaalida lagu dilayo Mareykanka wax ka qabo,” iyo erayo kale oo aan qaarkood lagu qori karin warbaahinta ayaa lagu weeraray Ilhaan Cumar.

Taageerayaasha Farmaajo kuma cusba afalgaadada, waayo waa koox aaminsan inusan jirin qof ka aragti duwanaan kara, maadaama taageerada ay u hayaan madaxweynihii hore ay ku dhisan tahay qabyaalad, caadifad, dano shakhsi ah iyo aragti gaaban.

Muxuu u gubay hadalka Ilhaan?

Hadalka lhaan Cumar ma ahan oo kaliya xildhibaan aragti dhiibtay, balse wuxuu xambaarsan yahay miisaan siyaasadeed oo saameyn weyn ku yeelan kara xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ilhaan Cumar waxay ka tirsan xisbiga haya talada Mareykanka ee dimoqraadiga, waxayna ku dhowdahay madaxweyne Joe Biden, iyo Nancy Pelosi oo ah afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Saameynta kale ee Ilhaan ay leedahay ayaa ah in xubin sare ka tahay guddiga arrimaha dibedda Aqalka Wakiilada Mareykanka, taasi oo macnaheedu yahay inay si toos ah u saameyn karto siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka iyo gaar ahaan tan Washington ee ku wajahan Soomaaliya.

Sidoo kale maadaama ay tahay Soomaali, waxaa cad in maamulka Biden kala tashan karo siyaasadda Soomaaliya.

Muxuu horseedi karaa hadalka Ilhaan?

Kahor hadalka Ilhaan, wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxuuna Mareykanku si cad uga horyimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

“Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Africa ee wasaaradda arrimaha dibeddda.

“Isku dayga shaq ka-joojin ee ra’iisul wasaare Rooble waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dadaalladiisa ku aadan doorasho deg deg oo la isku haleyn karo. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidaas darteed, waxaa suurta-gal ah in Ilhaan aysan ka hadal aragtideeda balse ay wax ka ogtahay isbeddel ku yimid siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka, taasi oo ugu dambeyn hoggaamin karta in meesha laga saaro Farmaajo.

La-yaab ma lahan marka in Ilhaan hadda noqotay cadowga koowaad ee kooxda Farmaajo. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: