QOOR QOOR oo la xaqiijiyey inuu ka qeyb-galayo shirka uu iclaamiyey R/W ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa shaaciyey in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu ka qeyb gelayo shirka golaha wadatashiga qaranka ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu iclaamiyey.

Wasiir Cabdullahi oo ka mid ahaa mas’uuliyiin Axmed Qoor Qoor ku soo dhaweysay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ku sheegay in Qoor Qoor uu u yimid ka qeyb galka shirkaas.

“Waxaan Aniga iyo Xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan kusoo dhawaynay Magaalada Muqdiaho Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kariye ((Qoor Qoor) oo u yimid caasimada kaqayb galka Madasha Wadatashiga Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisulwasaare Mohamed Hussein Roble,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur.

Shirkaan oo waxaa si cad u sheegay in uusan ka qeyb geli doonin Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, halka Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe aysan weli cadeyn mowqifkooda ka qeyb galka shirkaas.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa horay u balan qaaday inay ka qeyb galayaan shirkaan oo lagu waday in 27-kii bishaan uu ka furmo Muqdisho, balse dib u dhacay, kadib markii khilaaf qarka u saaran gacan ka hadal uu soo kala dhex-galay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynihii hore Farmaajo.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa galabta ka soo duulay Dhuusamareeb, welina ma cadeyn qorshaha safarkiisa Muqdisho, markii laga reebo warka wasiirka amniga, sidoo kale waxaa jira warar sheegaya inuu isku deyi doono dhex-dhexaadin uu ka dhex bilaabo Madaxweynihii hore Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: