Sababta ay Guudaalwe iyo Qoor Qoor uga aamusan yihiin xiisada Farmaajo iyo Rooble

By Guuleed Muuse

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle ayaa ka aamusay inay ka hadlaan xiisada siyaasadeed ee dalka, islamarkaana ay cadeeyan mowqifkooda iyo halka ay taabacsan yihiin dagaalka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa hore u cadeeyay mowqifkooda siyaasadeed, ayaga oo taageeray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo shirka uu iclaamiyey inay iskugu imaadan Golaha Wada-tashiga Qaranka.

Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si cad ula saftay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, asaga oo ka horyimid shirka Rooble, sheegayna in uu ka qeyb-galayo shirka wada-tashiga uu ku baaqay madaxweynihii hore.

Haddaba, maxay illaa hadda uga aamusan yihiin labada maamul inay cadeeyan mowqifkooda siyaasadeed, kana hadlaan xiisada taagan?

Cabdi Faarax Siciid Juxa oo hore u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda federaalka ayaa sheegay in labada maamul ay labada dhinac ee u dhaxeeyo khilaafka siyaasadeed ka leeyihiin midba dan gooni ah.

Waxa uu sheegay in sidoo kale labada maamul ay xilligan ka fiirsanayaan in si qaawan u garab istaagan madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, ayada oo la wada ogyahay inay yihiin rag uu meesha keensaday.

“Haddii loollan siyaasadeed yimid, labadaan maamul ee HirShabelle iyo Galmudug waxaa lagu tuhmi karaa in dadka siyaasadda ku loollamaya ee musharixiinta ah ay ka soo jeedaan labadaan gobol, Villa Somalia-na ay tahay niman ay abaal gashatay oo xilka markii ay imanayeen ay caawisay oo siyaasadda ugu hiilisay, sidaa darteed ay jecel yihiin in ay ku noolaadaan ‘legga jecli lugta jecli’ oo dhex-dhexaad ahaadaan,” ayuu yiri.

“Waxay rabaan oo kale inay dhinacna ay eed ka gelin. Villa Somaliya aysan ka abaal dhicin, ragga ay gobolka ka soo wada jeedeenna aanay eed ka galin.”

Dhinaca kale, sida uu qabo Xasan Xayle oo ah fallan-qeeye siyaasadeed oo ku sugan London, labada maamul ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee la dhiso, qeybna ka ah nidaamka federaalka Soomaaliya, mana ahan maamullo wali adkaystay, lehna waayo aragnimo ku filan oo ay xilka kusii xajistaan.

“Maamuladan ma heystaan dhaqaale fiican, waxay ka cabanayaan dhaqaale xumo, iyo in dowladda dhexe aysan waxbo u qoondeynin,” ayuu yiri Xasan Xayle.

Sidoo kale waxaa jirta dood ah in haddii madaxweyne cusub uu dalka qabsado in isbadal uu ku dhici karo maamul goboleedyadan, waxaana marar badanna la sheega kolka la damco in madaxdooda xilka laga qaado inay ka fududahay kuwa kale ee maamul goboleedyada, dhawr jeer ayayna dhacday in iyaga oo aan muddo xiledkooda dhammaysan madaxdoodii xilka laga qaado.

Labada maamul ayaa waxaa ka howl-gala ciidammada dowladda federaalka haddii ay ahaan lahaayeen xoogga dalka iyo waliba kuwa nabad-suggida oo si toos ah uga amar qaata dowladda dhexe, waana midda sii adkeynaysa inay kasoo horjeestan madaxweynaha dowladda federaalka.

Si kastaba, madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle ayaa inta badan waxaa lagu eedeeya inay Muqdisho toos ugu xiran yihiin, islamarkaana ay halkaas muddo badan ku qaatan, ayaga oo aan waqti gelin deegaanada ay ka taliyaan oo qaarkood ay ka taagan yihiin xiisado  iyo dagaalo soo noq-noqday.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: